Mucaaradka Kenya ayaa Maraykanka ka codsaday in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha Soomaaliya

12.04.2015 21:18

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga iyo Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay doonayaan inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama iyo Dolwaddiisa taageero ka geystaan sidii Askarta Kenya uga soo huleeli lahaayeen Hawlgalka AMISOM.

Labadaasi Hoggaamiye waxay hadalkaasi ku sheegeen  Kulan ay la qaateen Senatoro ka tirsan Maraykanka oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Nairobi, iyagoo sheegay inaan loo baahnayn inay Ciiddanka Kenya lagu sii hayo gudaha Somalia.

Labada Hoggaamiye ee ugu tunka weyn Mucaaradka Kenya waxay tilmaameen in khasaaro iyo xanuun ba’an laga dhaxlay joogitaankooda.

Dhinaca kale, Senator Chris Koonis iyo Kiristeen Gilibrand oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka, waxay u gogol-xaarayaan safarka uu Madaxweyne Obama ku imaanayo dalka Kenya bisha July ee sannadkan.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET