Mooshinka Madaxweynaha Somaliya laga keenay oo maanta loo gudbiyay Maxkamadda Sare Dalka

16.08.2015 21:15

Mooshinkii Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud laga keenay, ayaa waxaa xilligan loo gacangeliyay Maxkamadda Sare Dalka, xilli Mooshinkaasi uu Arbacadii ku dhacay gacanta Guddoonka Sare Baarlamaanka.

Tallaabada Mooshinkan loogu gudbiyay Maxkamadda Sare, ayaa waxay salka ku haysaa, iyadoo eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha ay la xiriiran qodobo Dastuuri ah, sidaasi daraadeedna lagama maarmaan loo arkay in loo gudbiyo Maxkamadda Sare.

Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, ayaa qeexaaya marka sidaan oo kale eedeymo loogu soo jeediyo Madaxweynaha, in eedeymahaasi ay soo kala cadaynayso Maxkamadda Dastuuriga, haddii Maxkamad Dastuuri ah jirina ay kiiskaasi qaaddo Maxkamadda Sare.

Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay Mooshinkaasi u gudbiyen Xarunta Maxkamadda Sare Dalka.

Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen waxa kaloo uu sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf uu ka aqbalay Mooshinka, oo ah xil ka qaadis Madaxweyne.

Xildhibaanka waxa uu shacabka Somaliyeed ugu yeeray inaanay Mooshinka u arag mid xaalad qalqal ah dalka lagu gelinaayo, balse ay u fahmaan inuu yahay mid lagula xisaabtamaayo Madaxweynaha.

Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa Jimcihii sheegay in Mooshinkaasi loo mari doono si waafaqsan Dastuurka, isla-markaana ay Somaliya ku filan tahay inay xaliso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxtooyada Somaliya waxaa si weyn looga dareemay xisaadda siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka, markan laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha waxa uu Khamiistii ka digay in Mooshinkan uu dib u dhac ku keeno dalka, iyadoo taasi bedelkeedana uu Xildhibaanada ugu baaqay in la qiimeeyo daruufaha dalka ka jira

 

warar sugan xaqiiq ah kala soco shabakada calamiga ee runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET