Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan sheekh oo loo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka
12.08.2015 23:56Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada ayaa gudoonka u gudbiyay warqado ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha xilka laga qaado, iyaga oo sheegay inay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha.
Gudoomiyaha ayaa qabtay mooshinka asaga oo xildhibaanadana siiyay warqadii cadeynta qabashada mooshinka.
120 xildhibaan ayaa saxiixday mooshinkan ka dhanka ah madaxweyne Xassan , waana markii ugu horeysay ee ay xibnaha baarlamaanka Muqdisho seeftoota u weeciyaan dhanka madaxweynaha, taasoo horay u galaafatay Raiisulwasaarayaal badan.
———
Tillbaka