MIDOOWGA YURUB DOOMAHA TAHRIIBKA HA LA BUR BURIYO

24.04.2015 09:52

Madax midawga Yurub ayaa ku heshiiyay in ay saddex jibaaraan lacagta lagu maalgaliyo hawlgaladooda baadhitaanka iyo badbaadinta ee badda Mediterranean-ka si gacan loga gaysto tirada badan ee muhaajirinta ah ee isku dayaya in ay u talaabaan Yurub iyaga oo ka tagaya waqooyiga Afrika.

Kaddib wadahadalo dagdag ah oo ay ku yeesheen Brussels, hogaamiyeyaashu waxa ay sidoo kale ansixiyeen talaabooyin lagu qabanayo laguna burburinayo doomaha ay ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya.

Kulankan waxaa lagu baaqay kaddib markii ay dhinteen in ka badan sideed boqol oo qof kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ladagtay todobaadkii hore.

Dalal badan oo midawga Yurub ka mid ah ayaa ku deeqay maraakiib, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dad arrintaasi ka shaqeeyaba.

Madaxwaynaha gollaha Yurub Donald Tusk, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay iskaashi balaaran yeeshaan wadammada ay muhaajiriintaasi ka imaanayaan

 

 

warar sugan kala soco

shabakada caalamigaa

runtanews.net

nagala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET