MIDAWGA YURUB WAA IN WAX LAGA QABTAA TAHRIIBAYAALKA

23.04.2015 09:58
Calanka midowga Yurub

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in shir degdeg ah ay ku yeeshaan Brussels maanta gelinka dambe, ayagoo ka hadlaya xiisadda dadka muhaajiriinta ee Mediterranean-ka. Waxaa la filayaa inay ka xaajoodaan talaabooyin wax looga qabanayo tirada muhaajiriinta naftooda biimeeya si ay Yurub u gaaraan. Talaabooyinkaas waxaa ku jira codsi uu soo jeediyey ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, oo ku saabsan in Milateriga loo igmado inay burburiyaan doomaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya ka hor inta aysan shiraacan. Horraantii todobaadkan, in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhintay xeebta Libya markii ay doontoodii degtay, taasoo ka dhigaysa qiyaasta dadka dhintay sannadkan in ka badan 1,700.

warar sugan kala soco

shabakada caalamiga

runtanews.net

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET