Mid ka mid ah dhagar qabayaashii qaraxa ka geystay Hotelka Maka oo la qabtay iyo Saraakiil ciidan oo ka hadashay
11.03.2015 23:19Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Booliska Dowlada Federaalka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa dhalinyaradii Caawa fuliyay qaraxii ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegen in gaariga ay saarnaayen Ilaa saddex nin, balse gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa, waxa ayna sheegen in loo gudbiyay dambi baarista.
Qaraxa kadib ayaa waxaa kawarbixiyay Milkiilaha Hotelka Maka Al Mukarama, Gurey Xaaji Xasan waxa uu xaqiijiyay in ragaasi ay ka carareen gaariga, ka dib markii labada dhinac ay rasaas isku adeegsadeen halkaasi. Gaariguna uu ahaa mid uu qarax ku xiran yahay, isla-markaana uu qarxay.
Sidoo kale, General Mukhtaar Xuseen Afrax, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah raggaasi, xilli uu doonaayay inuu baxsado, sida uu yiri.
Waxaa si lamid ah isna uga hadlay Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliyeed, oo sheegay in la soo xiray laba nin oo kale, kuwaa oo loo maleynaayo inay gacan siinayeen ninka la qabtay.
Dhanka kale, Qaraxa ayaa imaanaya Laba asbuuc ka hor markii weeraro ismiidaamin ah uu ka dhacay Hotel Centeral kaasi oo galaaftay Nolosha dad badan.
———
Tillbaka