Meydadka dhalinyaro Soomaali Tahriibayaal ahaa oo Aas maamuus loogu sameeyay Talyaaniga
14.02.2016 09:32Meydadka dhalinyaro Soomaali oo ahaa Tahriibayaal ku geeriyooday xeebaha Talyaaniga ayaa hab maamuus aas loo sameeyay, iyadoo naxashka Meydka la huwiyay Calanka Soomaaliya.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa sheegay in Meydadkan ay arkeen markii ay badda soo tuftay, kadib markii todobaadkii hore doontii ay la socdeen ku degtay agagaarka Xeebaha Talyaaniga.
Meydadkan oo ahaa illaa 13 meyd ayaa waxaa aaska loo sameeyay waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga iyo Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.
Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa si aad ah u tabinayay aaskan oo si aad ah loo diyaariyay, iyadoo ubax la saaray naxashka meydadka, waxaana Mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ay sheegeen in aas qaran loo sameeyay, maadaama ay ahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.
Xilligan oo lagu jiro qaboobaha ayaa Badda Mediterreanka waxaa adag in doomaha ka sameysan bacaha ay ka gudbaan, waxaana Badda mararka qaar ay isu bedeshaa sidii Baraf oo kale.
Sanadkan gudihiis ayaa waxaa gaaray Talyaaniga kumanaan ruux oo Tahriibayaal ah, iyadoo qul qulka dadka tahriibayaasha ay wadamada reer Yurub ka muujiyeen walaac.
warar sugan kala soco shabakada calamiga runtanews.net
———
Tillbaka