Meydad ka mid ah Ciidanka Kenya oo la gaarsiiyay Magaalada Nairobi (SAWIRRO)

19.01.2016 10:41

Meydadkii ugu horeeyay oo ka mid ah Ciidankii Kenya ee lagu laayay Degmada Ceelcadde, ayaa waxaa xalay la gaarsiiyay Xarunta Wadanka Kenya Ee Magaalada Nairobi.

Diyaarad siday meydadka askartaasi, ayaa waxaa Garoonka Wilson ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, General Samson Mwathethe.

Wasiiradda oo Warbaahinta la hadashay, ayaa xaqiijisay inay la soo gaarsiiyay meydadka dhawr ka mid ah Ciidanka Gobolka Gedo looga dilay, isla-markaana uu sii socon doono hawlgalka lagu soo samata bixinaayo askarta maqan.

“Waxaanu helnay meydadka dhawr ka mid ah geesiyaasheena, hawlgalku wuu sii socon doonnaa. Waan ku wargelin doonnaa muwaadiniinteena, horumar kasta oo ayno samayno.” Ayay tiri Raychelle Omamo.

Isniintii, ayay ahayd markii Magaalada Nairobi la geeyay ugu yaraan 10 ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya, oo laga soo samata bixiyay duleedyada Degmada Ceelcadde.

Xukuumadda Nairobi, ayaan illaa iyo hadda shaacin tirada rasmiga ah ee askarteeda looga dilay, sidoo kalana looga dhaawacay, laguna waayay weerarka ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Al Shabaab. inkastoo all shabaab ay sheegteen ineey ku dileen askar  gaareeysa ilaa 100. kuna dhaawaceen tiro intaas ka badan gacantana ay ku hayaan ilaa 12 askeri waa sida ay sheegteen all shabaab.

 



Wilson2
Wilson2-
Wilson3
Wilson4
Wilson5

Wilson7

warar sugan kala soco shabakada calamiga runtanews.net


 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET