Maxkamadda Muqdisho oo Wariye Maxamed Bashiir kala laabatay damaanaddii uu bannaanka ku joogay
30.03.2015 17:12
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta markale u fariisatay dhageysiga eedeymaha loo heysto Tafaftiraha Idaacada Shabelle Wariye Maxamed Bashiir Xaashi, ayaa waxay Maxkamaddu sheegtay in kiiskiisu ay dib u dhigtay, ilaa maalinta berrito ah.
Maxkamadda, ayaa Isniintii hore damaanad ku sii deysay Wariyaha, ka dib muddo toddobo bilood ah oo uu ku xirnaa Xabsiga Dhexe Xamar, markii Xeer Ilaalintu ay soo eedeysay.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, ayaa wuxuu sheegay in Maxkamaddu ay damaanadda kala laabatay Wariyaha, xabsigana lagu sii haayo, ilaa Talaadada.
Maxamed Bashiir oo toddobo cisho oo keliya dibadda joogay, ayaa duhurnimadii maanta dib loogu celiyay Xabsiga Dhexe Xamar, ilaa maalinta berrito.
Abukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareenada difaaceysa Wariyaha, ayaa rajo badan ka qaba in maalinta berrito ah soo gaba gaboobi doonto kiiska Wariye Maxamed Bashiir.
Abukaataha, ayaa rumeysan inaanay Xeer Ilaalintu heynin cadeymo ku fulin eedeymihii ay u soo jeedisay Wariyaha, oo ah isku dal dil muwaadin Somaliyeed iyo inuu xiriir la lee yahay Ururka Al Shabaab.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha, ayaa walaac ka qabay kiiska Wariye-yaashii Idaacadaha Shabelle iyo SKY. Waxaana Madaxda Dowladda horey loogu dhaliilay inay siyaasadeynayan kiiskooda.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco runtanews.net
waxaad nagala xiriiri kartaan
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka