Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo sii deysay Saraakiil iyo askar loo xiray Qaraxii Hotel SYL
16.06.2015 17:56Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta sii deysay illaa afar sarkaal oo ka mid ahaa 12 sarkaal horay loogu xiray inay wax ka ogaayeen weerarkii bishii Janaayo lagu qaaday Hotelka SYL.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Maxkamadda ay sii deysay afartan ruux, kadib markii lagu waaqay wax dambi ah.
“Maxkamada dacwadii ay maanta u fariisatay ee saraakiishii loo heystay weerarkii Hotel SYL waxay cadeyneysaa in wax dambi ah lagu waayay”ayuu yiri Col. Xasan Shuute oo xusay in wixii hadda ka dambeeyay in dadkaas xabsiga laga sii daayo.
Afartan ruux ayaa ka mid ahaa Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidaahaa, Taliyihii hore ee Booliiska Degmada Hodan, G/dhexe Maxamed Daahir Cabdule, iyo saddex kale oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida kuwaasoo kala L/Xiddigle, Mahad Cabdi Cumar, Xasan Daahir Maxamed iyo Kormeere Saddexaad, Axmed Qadar Maxamed Xasan.
Maxkamadda ayaa horay u sii deysay ilaa shan sarkaal oo horay loogu xiray ku lug lahaanshaha weerarkii Hotel SYL, kuwaasoo ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah.
Weerarkii Hotel SYL oo ay sheegatay mas’uuliyadeeda Al-Shabaab ayaa dhacay 22-kii bishii janaayo, xilligaasoo Hotelka ay ku shirsanaayeen wafdi horu dhac u ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo maalintii ku xigtay booqashadiisa Muqdisho ugu baaqday geeridii Boqor Cabdallaha Sacuudiga, balse labo maalin kadib soo gaaray magaalada Muqdisho.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka