Maxay ka wada hadleen Gaas iyo Tedros Adhanom ?

17.02.2016 21:12

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxayay safarka Madaxweyne C/wali Gaas oo maalin ka hor la sii shaaciyay, laguna tilmaamay inuu yahay marti-qaad dowladda Itoobiya u dirtay, si uu Addis Ababa u tago.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa horay u qaadacay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya bisha Agosto ee sanadkan iyo in Puntland raalli ka aheyn nidaamka 4.5.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo ah siyaasi galaan-gal badan ku leh Madaxda Soomaalida ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray la kulanka isaga iyo Madaxweyne C/wali Gaas.

Gaas iyo Tedros

Mr Adhanom ayaa sheegay isaga iyo Madaxweyne C/wali Gaas ka wada hadleen nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceyso bisha Agosto ee sanadkan 2016 iyo in dowladda Itoobiya ay taageereyso dadaalada dib u dhiska iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ma cadda mowqifka Madaxweynaha Puntland uu ka istaagi doono hadalkan, isagoo horay u qaadacay shirkii Madasha wadatashiga ee ka dhacay bishii Janaayo magaalada Muqdisho, sidoo kale lama oga inuu ka qeyb geli doono shirka loo balansan yahay inuu ka dhaco Istanbul ee lagu saxiixi doono nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadkan 2016, kaasoo horay dowladda Federaalka u shaacisay

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET