Maxamed Qanyare oo cadaalad darro ku tilmaamay sida loo qeybsaday Golaha Wasiirada xukuumada Cusub DAAWO SAWIRADA

09.03.2015 20:07

Siyaasiga Caanka ah ee Maxamed Qanyare Afrax, ayaa markii ugu horeesay ka hadlay xukuumada cusub uu soo dhisay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, isaga oo sheegay in xubnaha kusoo aaday beesha Hawiye aan loo qeybin si cadaalad ah.


 

Maxamed Qanyare waxa uu tilmaamay in Beesha Murusade hadii si cadaalad ah wax loo qeybiyo ay laba wasiir ama ugu yaraan wasiir iyo wasiir ku-xigeen wasaarad wanaagsan ah ay lahaan laheyd, hasa yeeshee la sad buursaday isaga oo ku baaqay in Murusade ay la xisaabtamaan marka uu madaxweynuhu kasoo laabto safarka uu Jarmalka ku aaday.

Wasiirkii hore ee amaanka qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Qanyare Afrax, ayaa waxa uu sheegay in sidaan oo kale leesugu dayay in xubnaha wasiirada ee beeshu ay u leedahay qoondada la boobo xilligii dowladii Allaha u naxariistii Cabdullahi Yuusuf Axmed hasayeeshee uu isagu diiday maantana ay u baahantahay rag diida oo xisaab la yimaada.

Cadaalad Darada ay tirsaneyso Beesha Murusade ayaa Qanyare waxa uu ka sheegay kulan qado ahaa oo beeshu ku yeelatay Magaalada Muqdisho , waxa uuna Dowlada Soomaaliya uu ugu baaqay in dadka ay si cadaalad ah wax ugu qeybiso.

Hadalka Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo xukuumad ku dhaw 70 xubnood beesha Murusade laga siiyay hal wasiir oo kaliya , waxa ayna waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Murusade ku tilmaameen cadaalad daro iyo xaqoodii ay dowladu duudsiisay.Alahayow Arligeenu kii Israaca uu ahaado



 

 

ganeyte5@gmail.com

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET