maxaa ka jira kulankii uu wasiirka arimaha dibada qadar la qaadat madaxda somaliya inuu ku soo hadal qaaday arinta sheekh xasan dahir aweys.

24.05.2015 21:57

Xasan-Shikh

 

Warar aan ka helney Siyaasiyiin ku dhow dhow Dowlada Federaalka Diideyna in magacooda la sheego  waxay noo sheegeen in Wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arrimaha  Dibadda ee Dalka Qadar  oo dhawaan soo gaarey Magaalada Muqdisho ay  Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda  ay isla soo qaadeen arrimo la xiriiro Shiikh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhow laba sano uu Xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka .

Wasiirka arrimaha Dibada ee Dalka Qadar ayaa Dowlada Federaalka ka codsadey in Shiikh Daahir Aweys uu gaaro Magaalada Dooxa oo Caasimad u ah Dalka  Qadar oo lagu tiriyo Dhex dhexaadiyaha Xarakooyinka Islaamka iyo Dowladaha waxana dalkaas uu dheer jeer uu marti geliyey Kulamo noocaas ah.

Dowlada Qadar ayaa wada Qorshe ah  in Shiikh Xasan Daahir  uu ku noolaado Wadanka Qadar , warar kale ayaa sheegayaa in Dowlada Qadar ay dooneyso in la soo nooleeyo Xisbigii uu Madaxda ka ahaa  Shiikh Xasan Daahir ee Xisbul Islaam taasoo Dowlada Qadar ay  dooneyso in uu noqdo Xisbi S

iyaasadeed oo aan Hubeysneyn si uu uga qayb qaato Doorashooyinka soo socda ee 2016-ka

Wararka waxay intaa ku darayaan ilaa iyo hadda lama oga in Dowlada Federaalka ay ogolaatey in Shiikh Xasan Daahir loo qaado Wadanka Qadar sidoo kale lama garanayo Shiikh  Xasan uu ogolaadey Qorsha ay Dowlada Qadar ay wadato  oo ah in Dib loo soo nooleeyo  Xisbul Islaam oo kala burburey markii ay Xarakada Alshabaab ku biireen

Dowlada Qadar waxay ka  mid ahayd Dowladihii ugu horeeyey ee  soo jeediyey in Shiikh Xasan Daahir Aweys marka  uu soo galo Gacanta Dowladda Federaalka ay iyadu la Wareegto Xiligaa  uu ku sugnaa Magaalada Cadaado  ayna  socdeen  Wada hadaladii  lagu soo xero gelin lahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys oo markii dambe  Dowladd ka  faramaroojisey Odoyaashii Waan Waanta waday

 

warar sugan kala soco

shabakada calamiga runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET