MAMUL GOBELEEDKA PUNTLAND OO KA CAROOTAY SHIRKA KA SOCDA GAROOWE.

30.04.2015 23:03

Maamul Goboleedka Puntland, ayaa ka baxay Shirka Madasha Wadatashiga ee maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Puntland ay ku adkeysatay in laga hadlo waxa uu salka ku haayo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo ay dalbatay in la kala cadeeyo in Gobolka Mudug oo dhami lagu daraayo Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolkaasi lagu daraayo Galgaduud.

Dowladda Somaliya, ayaa soo jeedisay in ka doodista Maamulka Gobolada Dhexe dib loo dhigo, hase ahaatee ay Madaxda Maamul Goboleedka Puntland isaga baxeen Madasha.

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayan in xubnaha kale ee shirka ku kala wehlinaaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Gaas, ay iminka la lee yihiin shirar kala gaar gaar ah.

Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar (Saciid Surcad) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uga qaybgaleysa shirka, ayaa cadeeyay in khilaaf uu ka dhashay tallaabada uu Madaxweynuhu kaga meermeeray waxa laga yeelayo Gobolka Mudug, bacdamaa Waqooyiga Mudug ay ka arrimiso Puntland.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedeeyay inuu ka meer meeray inuu kala cadeeyo mowqifkiisa ku aadan, Maamulka Gobolada Dhexe.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Somaliya, ayaa furitaanka shirka Cadaado ka sheegay in Cadaado Maamul Goboleed loogu soo dhisi doono Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

warar sugan xaqiiq ah kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET