Magaca iyo Sawirada Ninkii Seeft ku weeraray Iskuul kuyaala Sweden oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)
23.10.2015 11:33Ciidamada booliiska Dalka Sweden ayaa shaaciyay Magaca iyo Sawirada Nin dhalinyaro ah oo shalay Weerar ku qaaday Iskuul ay wax ku bartaan dadka ajaaniibta ah oo kuyaala magaalada Trollhattan ee dalka Swedan.
Ninka weerarka ka dambeeyay oo wajiga qarsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Anton Lundin-Petterson, waxa uuna ninkan kamid ahaa dadka cunsuriyiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda in dalkoda yimaadaan dadka ajaaniibta ah.
Anton Lundin-Petterson, ayaa la tilmaamay in uu ahaa Cunsuri aad u necbaa dadka ajaaniibta ah, waxa uuna ninkan horey uga qeyb qaatay barnaamijyo looga soo horjeeday in dadka ajaaniibta ah ay yimaadaan Dalka Sweden.
Cunsurigan weerarka ku qaaday Iskuul ay u badnaayeen dadka ajaaniibta ah gaar ahaan Muslimiinta ayaa la sheegay in uu aad u jeclaa una xiiseyn jiray taariikhda Adolf Hitler, oo ahaa Hogamaiyihii naaziyiinta Germany.
Weerarka ninkan fuliyay ee lagu qaaday Iskuulka waxaa ku dhintay labo ruux oo mid kamid ah uu yahay arday Soomaaliyeed oo lagu magacabao Axmed Xasan oo 15-jir ahaa, Ciidamada booliiska ayaana markii dambe toogasho ku dilay cunsurigaasi.
wararkii ugu danbeeyay caalamka kala soco runtanews.net
———
Tillbaka