madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Ururka Al Shabaab ku tilmaamay kuwo sharwadayaal ah

30.03.2015 14:07

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii maalinimada Jimcaha lagu qaaday Hotelka Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

 

Weerarkasi oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 20 ruux oo dad rayid ah u badan. Sidoo kalana waxaa ku geeriyooday Safiirkii Somaliya u fadhiyay dalka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Yuusuf Bari-bari).


Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab uu yahay urur shar badan oo dhibaato badana u geystay bulshada Somaliyeed, qaybaheeda kala duwan.


“Waxaan marka hore u tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay weerarkaas. Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay, inta kalana caafimaad deg deg ah ah ha siiyo.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.


“Nimankan Al Shabaab la lee yahay waa niman dhib badan oo shartooduna ay badan tahay. Waxaan Alle ka baryaya in Ummada Somaliyeed uu ka dulqaado shartan.” Sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta gudaha.


Shariifka oo soo noqday Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay Dowladdiisii weeraro waaweyn kala kulmeysay mintidiinta Ururka Al Shabaab.

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode