Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo lagu soo dhoweeyay Turkiga (Sawirro)

10.11.2015 18:24

Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynaayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed laguna daah furaayay Hay’adda Samadoon foundation ee uu Sheekh Shariif Aasaasay qaybteeda Turkiga

Xafladaaa oo ay soo qaban qaabiyeen midowga Ardayda Soomaaliyed ee wax kabarta dalka aanu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa waxay ay ka dhacday caasimadda dalkaasi Turkiga Ankara

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday oo uu ugu horeeyay safiirka soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (sanbaloolshe ) ıyo sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Samadoon Foundatıon Profosoor Warfaaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay dhamaan shaqaalaha safaaradda ardayda soomaaliyeed ee wax barta magaalooyinka kala duwan ee dalka Turkiga jaaliyadda soomaaliyed ee degan magaaladda Ankara iyo sidoo kale marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wafdi ka socdo xisbiga talada dalkaTurkiga haayo ee AKP ee uu hogaamiye madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan

Xafladda oo si qurux badan u dhacday ayaa waxaa qudbado ka jeediyay masuuliyiintii ka soo Qeyb gashay iyadoo sidoo kale xafladda laga soo jeediyay gabayyo ardayda soo diyaariyeen oo lagu bogaadiyay madaxweyne shariif iyo wixi uu usoo qabtay dalka soomaaliya iyo inuu wali utaaganyahay inuu sii wado inuu wax u qabto wadankiisa Soomaaliya

Sidoo kale waxay ardaydi xafladda ka hadashay sheekeen in ay taageersanyihiin madaxweynaha ugana mahad celihaayaan xiriirka wanaagsan ee Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeeyo oo uu sabab u ahaay sidoo kale wax barashada ay ka heleen dalka Turkigana ay abaal weyn uga haayaan Madaxweyne Sheekh Sharii f oo sabab u ahaay in ay helan wax barasha iyo nolol lacag la aan ah

Waxaa sidoo kale xafladda ka hadlay safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Turkiga Abdullaahi Maxamed Ali (sanbaloolshe ) oo sheegay in uu madaxweynaha uu wadanka soo hoggaamiya xilli adag wadankana uu soo gaarsiiyay meel lagu fani garo isagoo u sheegay madaxweynahana in ay guul lataaba garo gaareen ardaydi uu wax barashada u soo diray oo ay qaybo ka mid ah qalin jebiyeen qeyb ka mid ahna ay sanadaha soo socdo qalin jebinaayaan

Ugu dambeyntii waxaa xafladda ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo khudbad dhinacya badan taabaneysay ka soo jeediyay xafladda waxa uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu arko ardaydii uu wax barashada u soo diray oo guuleysatay intooda bada wax barashada u dhamaato inta dhimanna uu guul u rajeynaayo waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay in ay wadan koda ku laabtaan marki ar wax barashada u dhamaato.

''Haddi ay wax barashada i diin dhamaato waxaan idin kula dardaarmaa inaad wadankiina ku laabataan oo aad u maddiina u qidmeysaan waa ay idin baahantahay waxaan maqlay warar sheegaayo in qaar idinka mid ah ay ku fikiraayaan inay marki ay shahaadada qaataan ay horey u sii socdaan horay inaad aadaan micno ma soo kor dhineyso waxaaad dhex geleysaan umad 10 fac iyo in ka badan ay jaamacaddo soo dhigahaayeen waxaa ku dhex dhumeysaan xitaa la qabsiga ayaa dhib idinku noqon doono mana ka soo dhex muuqan kareysiin lakin wadankiini iyo dadkiini waa idin bAahan yihiin wax baddan waa ka bedeli kareysaan hadaad is kaa shataan ''Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu sidoo kale Sheekh Shariif ardayda ku baraarujiyay in aysan caawinaad cidna ka sugin ee ay ayaka is caawiyaaan ayna ka qeyb qaataan Hay’adda Samadoon Foundation oo ay noqdaan dadka hormuudka ka ah is caawinaada iyo is garab qabashada


Ugu dambeyntii Sheekh Shariif waxaa lagu guddoon siiyay shahaada sharaf taa oo looga mahad celihaayay wax barashada ay ardaydu ka heshay walaalaha Turkiga iyo xiriirka wanaagsan ee ay Turkigu la leeyihiin dalka Soomaaliya









 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warar Sugan Kalasoco Runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET