madaxweyne Xasan Sheikh oo qado sharaf loogu sameeyay duleedka Garoowe+Sawiro

02.05.2015 00:21
 
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam Iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta dooxada Jibagalle oo ku taala duleedka bari ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa qada sharaf ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ah Isimida Gobolka Nugaal. 

Qado sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Nugaal , duqa caasimadda Garoowe iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad uga mahadceliyey isimida gobolka Nugaal marti-qaadkooda iyo is-xilqaankoodaba isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay caadimadda Puntland ee Garoowe.
 



"Maamulka degmada , kan gobolka iyo Isimada Reer Nugaaleedba xafladdan quruxda badan iyo qadadan aad kusoo dhoweyneyseen walaaleheena martida noo ah iyo annagaba aad nagu marti qaaddeen waad ku mahadsan tihiin, soo dhoweyntu wa mid lagu yaqaan Puntland iyo Garoowe, waana waajib aad gudateenoo martida idiin timi ee walaalihiin ee idin soo booqatay inaad soodhoweysaan waajib idin saaran buu ahaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yiri madaxweyne gaaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isuguna dhankiisa uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal iyo dhammaanba bulshoweynta gobolka nugaal soodhoweynihii kala duwanaa iyo qada sharaftan maanta ee ay usameeyeen Isimada dhaqanka ee gobolka nugaal.
 
 
 
 
warar sugan kala soco runtanews.net
 

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET