Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay safarkiisii Magaalada Sharm El Sheikh

30.03.2015 13:55

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii Ururka Jaamacadda Carabta.

 

Intii uu socdey shirka ayaa Madaxweynaha waxaa uu kulammo miradhal ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ee ka soo qeybgashey shirka.


Madaxweynaha ayaa shirkaasi ka jeediyey khudbad qiimo leh oo uu kaga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, iyo arrimo kale oo ka taagan dunida Carabta.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaanu ka ambabixin Sharm El Sheikh, waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Ismaacill Cumar Geelle, oo ay ka wada xadleen xoojinta xiriirka labada dal.


Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si diiran ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, baarlamanka iyo ciidammada.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews,net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode