Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray Golaha Adeega Garsoorka Dalka(Aqriso Digreetada)

14.03.2015 12:18

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taariirkhdu marka ay aheed 11/3/2015-ka ayaa lagu kala diray Golaha Adeega Garsoorka Dalka .

Kala dirista Golaga Adeega Garsoorka Dalka ayaa la sheegay in uu ku timid cabasho xoogan oo ka timid bulshada taa oo la xariirta Cadaalad daro baahasan oo ka dhax jirta, waxaana Wareegtada Madxaweynaha kasoo baxday ku xusan in loo baahan in la dhiso Golle cusub oo qaabilsan Adeega Garsoorka.

Digreetada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay kala dirista Golaha Adeega Garsoorka in aysan saameeneyn Gudoomiyaha Maxkmada sare ee Dalka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha adeega Garsoorka

Halkan ka Aqriso Degreetada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha

 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET