Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Nigeria (Sawiro)
28.05.2015 21:12Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ee uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo dhiira-gelinta maalgashiga ayaa gaaray magaaladda Abuuja ee caasimaddda dalka Nigeria .
Madax ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Abuuja. Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah ka qeyb geli doona caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Nigeria kulamo la qaadan doono madax kala duwan oo iyaguna ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyne Muhammadu Buhari.
Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorasho ka dhacday dalka Nigeria kadib markii uu la tartamay madaxweynihii hore ee dalkaas Goodluck Jonathan.
———
Tillbaka