Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka Sudan wuxuu astaan u yahay Dimuqraadiyadda.

02.06.2015 14:12

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Waaberigii hore ee shalay gaaray caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta ka qeyb galayaa Munaasabadda Caleemo-saarka cusub ee Madaxweynaha dalka Sudan, Field Marshal Albashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Khartoum waxa uu tilmaamay inay doorashaddii dhawaan lagu doortay Madaxweyne Albashiir  muujinayso kobaca Dimuqraadiyadda Sudan.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray inuu Madaxweynaha Somalia sheegay inuu dalka Sudan yahay ka mid yahay dalalka Afrika ee nadiifka ka ah Xiisadaha Siyaasadeed ee Gobalka.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu ka hadlay Xiriirka Somalia iyo Sudan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladdiisa quudaranayso inuu sii xoogeysto Xiriirka Labada dal.

warar sugan kala soco runtanews.news

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET