''Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo goordhaw ka degay Magaalada Jowhar"

12.01.2016 14:45

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi gaareen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Wafdiga uu hogaaminayay waxaa kamid ah ,Wasiiro ,Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Wasiiro iyo Xildhibaano horey ugu sugnaa Magalaada Jowhar iyo madaxda maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh la filayo in maanta uu furo shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.









 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

warar xaqiiq ah kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET