Madaxweyne Xasan oo soo gaba gabeeyay socdaalkiisii Dhuusamareeb iyo shirka oo Cadaado lagu qaban doono
26.03.2015 19:17Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyay booqasho 3 maalmood ah, oo u ku tagey Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha intii uu joogay Dhuusamareeb waxaaa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay, salaadiin iyo ergooyin kale oo ka socda beelaha Gobolada Dhexe. Waxayna isla qireen baahida loo qabo in la dedejiyo dhismaha Gowlad Goboleed ka dhalata Gobolada Dhexe.
Madaxweynaha, ayaa salaadiinta iyo ergooyinka kale ee uu la kulmay waxay si qota dheer isula gorfeeyeen arrimo muhiim ah oo ku saabsan, qabashada shirka lagu dhisayo Maamul Goboleedka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergooyinka waxay isku afgarteen in la dhaqaajiyo shirka lagu dhisayo Dowlad Goboleedka degaanada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Odayaasha Dhaqanka, ayaa waxay isku raaceen in shirka lagu qabto Magaalada Cadaado, laakiin uu murun ka taagan yahay halkii Caasimad looga dhigi lahaa.
Odayaasha Dhaqanka waxay Madaxweynuhu weydiisteen inuu cadeeyo halkii Caasimadda looga dhigi lahaa Maamulka Gobolada Dhexe, ka hor inta aan loo fariisan shirka Maamul U Samaynta Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweynaha, ayaa diyaarad ka soo raacay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu ku wajahan yahay Magaalada Muqdisho.
———
Tillbaka