Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya (Sawirro)

27.10.2015 08:59

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda Warfaafinta, Taliyaha Nabadsugida iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la filayaa in maanta uu kula kulmo qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadli doona, arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasada iyo iskaashiga dalalka carabta sida arimaha wadanka Yemen.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Carabiya Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in kulanka Madaxweynaha iyo Boqorka uu yahay mid looga hadlo xaalada Soomaaliya, tan Yemen iyo arrimo kale.

Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa todobaadkii hore martiqaad u fidiyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo iskaashiga.

IB0A6412 IB0A6416 IB0A6424 IB0A6430 IB0A6434 IB0A6438 IB0A6444 IB0A6448 IB0A6468 IB0A6471 IB0A6477

 

warar sugan kala soco shabakada runtanews

 
Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET