Madaxweynaha Xasan Oo Ka Qeyb Galay Ciyaar Lagu Xusayay Maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed. daawo sawirada

15.05.2015 21:27

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ee ay horkacayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Munaasabaddaasi awgeed ayaa Madaxweynaha oo ay wehliyaan kumanaan qof waxaa uu socod ku marey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigey taalada SYL .

Socodka uu ku marey waddooyinka kadib, Madaxweynaha waxaa uu shacabka magaalada Muqdisho kula hadley fagaaraha Daljirka Daahsoon.

‘’Fariinta aan maanta idin wado waxay tahay in dhalinyarada ay waddankooda dhistaan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo waddankan uu u fadhiyo. Dadaalka aad hadda waddaan waa inaad sii labanlaabtaan. Dhalinyaradii sameysey SYL 72 sanno ka hor waxay ahaayeen kuwo naftooda u hurey in Soomaaliya ay xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa darted waxaan idin kula dardaarmayaa idinkoo taas ka shidaal qaadanayaa inaad ku dhaqaaqdaan talaabo waddankan lagu hormarinayo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa munaasabadda maanta ee 15 May, ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole, saraakiil sare oo ka tirsan ciidammada, mas’uuliyiin kale iyo ururrada bulshada.








 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

warar sugan kala soco

shabakada calamiga

runtanews.net

nagala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode