MADAXWEYNAHA SUUDAN AL_BASHIIR OO LAGU XAYIRAY KOONFUR AFRIKA.
14.06.2015 15:18
Maxkamad ku taasha dalka Koofur Afrika ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo madaxweyna Al-bashiir ka hor istaagaya inuu dalkaasi ka baxo.
Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa dalabka ICC ee an in lagu wareejiyo.
Maxkamadda Koofur Afrika ayaa dooneyso inay go’aan ka gaarto haddii ay xirayaan oo ICC ay ku wareejinayaan iyo inkale.
Mr al-Bashir – oo hadda ku sugan magaalada Johannesburg oo uu uga qeybgalaayo shirka midowga AFrika, ayaa waxaa dacwad ku oogtay maxkamadda dembiyada caalamka ee ICC oo ku eedeyneysa inuu dembiyo dagaal geystay.
Midowga Afrika ayaa horey u diiday inuu arrintaasi ICC kala shaqeeyo.
Laakiin, xubin ahaanta Koofur Afrika ee ICC, waxaa waajib ku ah in Al-Bashiir ay xirto.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka