Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabay Danjireyaasha Turkiga iyo Mareekanka
03.06.2015 12:00Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magacaabay Danjireyaasha Dalka Soomaaliya u fadhin doona Wadamadda Turkiga iyo Mareekanka.
Ila Wareedyo uu la hadlay runtanews.net oo aan fasax heysan ayaa sheegay in Danjiraha Cusub ee Dalka Mareekanka loo Magacaabay Mudane Axmed Ciise Cawad,waxana uu buuxinaya Booskii uu baneeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Sido kale Waxa Danjiraha Cusub Ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Turkiga loo Magacaabay Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo hore u soo noqday Taliyaha Hey’ad Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya.
Dowladaha Mareekanka iyo Turkiga ayaa taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.
warar xaqiiq ah kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka