Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta gaaray degmada Cadaado
14.04.2015 12:35Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Maamulka Ximan iyo Xeeb, qeybaha bulshada iyo dad kale.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Ximan iyo Xeeb oo uu kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta dowladda, kuwa maamulka iyo mas’uul kale.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii u horeysay oo uu ku tago Cadaado, waxaana la filayaa in dhowaan uu ku furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha, waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb ay isla gartaan xilliga uu furmi doono shirka maamul u sameynta.
Ammaanka Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamo ka tirsan dowladda oo shalay gaaray iyo kuwa AMISOM ay ka qeyb qaadanayeen sugida ammaanka.
———
Tillbaka