Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho
22.02.2016 13:58Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada Golle ee Dowlada ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa u dhoofay dalka Turkiga halkaas oo la filayo ay kaga qeyb galaan shirka Arimaha hIigsiga Soomaaliya looga hadlayo oo lagu wado in maalinta berito ah uu ka furmo dalka Turkiga.
Dalka Turkiga waxaa horey ugu sii sugnaa Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid , Wasiiro, Xildhibaano iyo Madax katirsan MaaMamul goboleedyada dalka ka jira ,kuwaa oo iyana ka qeyb galaya shirka ka furmaya magaalada Istanbuul.
Shirka ka furmaya dalka Turkiga ayaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka sanadkan dalka ka dhaceysa, waxaa sidoo kale lagu dhameestirayaa shaacinta natiijadii kasoo baxday shirkii madasha wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka