MADAXWEYNAHA SOMALIYA XASAN SHEEKH IYO WEFDI UU HOGAAMINAYO OO KU WAJAHAN DHUUSAMAREEB.
08.04.2015 10:14Waxaa Goordhaw Diyaarad gaar ah Garoonka Diyaardaaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan Dowlada Soomaaliya.
Madaxwenaha iyo Xubnaha lasocda ay ku jiraan Odayaal dhaqmeed ayaa la filaa in goordhaw gaaraan Magaalada Dhuuso Mareeb halkaas ay kaga sii horeeyeen Masuuliyiin katirsan Dowlada uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha gudaha kuwaa oo shalay gaaray Dhuuso Mareeb.
Amaanka Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Dhuuso Mareeb hada ku sugan Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaa oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta Madaxweynaha.
Madxaweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu la kulmo Waxgaradka ku shirsan Magaalada Dhuuso Mareeb uuna halkaasi kaga dhawaaqo in Magaalada Cadaado lagu qaban doono Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe Magaalada Dhuuso Mareebna ay noqon doonto Caasimada Maamulka Gobolada Dhaxe .
Waxii Wararah ee kusoo kordha Safarka Madaxweynaha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
warar sugan kala soco shabakada caalamigaa ee
runtanews.net
nagalasoo xariir ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka