Madaxweynaha Somaliya oo maanta xus qarameed kaga qaybgalay Magaalada Istanbul (Daawo Sawirada)
24.04.2015 10:25Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Istanbul, madaxda caalamka qaarkood kala qaybgaley xuska sannadguuradii 100-aad ee ka soo wareegtey dagaalkii Turkiga, waagii Boqortooyada Cusmaaniyiinta uu la galey quwadihii ka soo horjeeday dagaalkii 1aad ee Dunida.
Xuskan, ayaa waxaa barbar socdey shir madaxeed gaar ah oo lagu dhiirigelinayo nabadgelyada caalamka.
Hoggaamiyeyaasha caalamka, ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii 1aad ee Dunida iyo sida caalamka looga dhalin lahaa nabad waarta.
Waxay madaxdan ka hadleen muhimadda adkeynta nabadgelyada caalamka iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intii munaasabadda ay socotay kulamo kooban la yeeshay madaxda caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Waxaa kale oo munaasabadda ka hadlay khubarro caalami ah oo ku takhasusey taariikhda caalamka, kuwaas oo ka warbixiyey sababihii dhaliyey dagaalkii 1aad ee Dunida, iyo khataraha weli caqabadda ku ah nabadgelyada caalamka.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka