Madaxweynaha Somaliya oo khudbad qiiro leh ka jeediyay shirka Madaxda Wadamada Carabta

29.03.2015 21:49

IMG_5872Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad qiimo leh ka jeediyay shir madaxeedka waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku xusey arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha kale ee ka jira waddamada Carabta.


Waxaa uu madaxweynaha u sheegay hoggaamiyeyaasha Carbeed in Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa dagaalo sokeeyo oo muddo dheer qaatey, ay haddana sameysey horumar dhinacyo badan, sida siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka, amniga iyo soo celinta adeegyada bulshada, walow ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.


''Soomaaliya inkastoo ay colaad sokeeye ku jirtey, haddana waa dal hodan ah oo kheyraad badan leh. Haatan waxaan ku jirnaa marxalad dib u soo kabasho, inagoo dhanka kalena ay naga go’an tahay hirgelinta Hiigsiga 2016 oo ah barnaamij siyaasadeedka haatan horyaalla dalkeena. Arinta inoogu weyn ee aan ku dadaaleyno waxa weeyaan sugidda nabadgelyada, dadaal badan ayaanna sameyney, walow kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar walba isku dayayaan inay carqalad abuuraan." Ayuu yiri Madaxweynaha.


Waxa kaloo uu yiri "Waad la socotaan wixii ay argagixisada ka sameeyeen Muqdisho, iyagoo naf la caari ah ayay weerareen hoteel ay ku sugnaayeen shacab dalkooda iyo dadkooda wax u qabanaya. Dad muhiim ah ayaan ku weyney sida Danjirihii inoo fadhiyey Switzerland, Allah u naxariistee Yuusuf Maxamed Ismaaciil iyo Farxiya Bashiir oo ahayd dhaqaale-yahan qiimo weyn ugu fadhiday Soomaaliya , laakiin taasi nagama hor istaageyso sii wadista dagaalka aan ku doooneyno inaan gebi ahaanba ku tirtirno, kooxdaasi oo haatan goobo yar ku soo uruurtey, ayna ka muuqato xaalad quus ah. Waxaana Jaamacadda Carabta ka codsaneynaa inay iyana gacan ka geysato sidii aan u dhameystiri lahayn barnaamijka dowladda ee amniga iyo xasilinta.'' 


Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso balanqaadyadii taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, si wax loogu qabto hawlaha faraha badan ee dowladda horyaalla,isla markaana Soomaaliya laga cafiyo deymaha ay ku leeyihiin waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadley xasaradda ka aloosan Yemen oo uu sheegey in Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dowladda uu madaxweynaha sharciga ah ka yahay Abd Rabbuh Mansur Hadi, isla mar ahaantaana ay Soomaaliya si buuxda u taageereyso mowqifka Jaamacadda Carabta ee Yemen.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadley qadiyadda Falastiin, dagaalka argagixisada caalamiga iyo xalinta mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta.


Hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta ee ka hadley kulan madaxeedkan, ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusey arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah

kala soco runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode