Madaxweynaha Somaliya oo Kenya ku eedeeyay inay si adag ula dhaqantay Xawaaladaha Somalida
22.05.2015 10:05Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay si toos ah u dhaliilay Dowladda Kenya, tan iyo markii bishii April ay joojisay shaqadii Xawaaladaha Somalida ee Kenya.
Kenya oo ka carootay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay ee Shabaabku ka geysteen Jaamacadda Magaalada Garissa, ayaa soo rogtay awaamiirta lagu joojiyay adeeggii Xawaaladaha.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in Kenya ku khaldan tahay inay iyada oo keliya go’aan ka qaadato shaqada Xawaaladaha, waayo buu yiri Somalida oo keliya ma adeegsato, ee waxaa adeegsada dalalka gobolka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da, ayaa sheegay in shacabka u dhashay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan, ay qayb ka yihiin dadka isticmaala adeegyada Xawaaladaha, sidaasi daraadeed ayuu tilmaamay in Kenya aan looga baahnayn in keligeed qaraar ka qaadato Xawaaladaha.
Mar la weydiiyay in Kenya si adag ula dhaqantay Xawaaladaha Somalida, ayuu si adag u yiri “Haa, dabcan si adag ayay ula dhaqantay.”
Laamaha ammaanka Kenya, ayaa Xawaaladaha ku eedeeyay inay lacagaha ku dirsan jireen Ururka Al Shabaab iyo taageerayaashooda ku sugan gudaha dalka Kenya.
Isha universal
warar sugan kala soco
shabakada calamiga
runtanews.net
———
Tillbaka