Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xero lagu tabarayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo dawladda Imaaraadka Carabta ka dhistay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay kuna qotonta furitaanka xerada Ciidanka ayaa maanta lagu qabtay gudaha dugsigan iyadoo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirada Gaashandhiga, Amniga Gudaha, Warfaafinta, safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, wakiilo iyo marti sharaf kale.
Safiirka Imaaraadka Carabta, Maxamed Axmed Cisman oo khudbad ka jeediyey munasabada ayaa sheegay in dhismahan ciidamada ay dhiseen uu qayb ka yahay mashariicyo dhawr ah oo ay dawladiisa ku saacidayso shacabka iyo dawlada Soomaaliya.
“Waxaan Soomaaliya ka caawineynaa si ciidankeeda uu u noqdo kuwa xoog leh, waxaan uga yaboohaynaa tababar iyo qalab, dugsigan waxaa ugu tala galnay in ciidanka qalabka sida Soomaaliya loogu tababaro, mashruucan dhismahiisa waxa uu bilowday sannadkii hore waxa uuna soo idlaaday sannadkan”ayuu yiri Safiirka Imaaraadka Carabta.
Safiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Mashaariic badan baan ka fulinaa Soomaaliya oo ay isugu jiraan kuwa beni’aadinimo, hurumarin, dhinaca siyaasada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, qaar kamida mashaariicdeena waxan ka fulinay gobalada Shabeelada hoose, dhexe iyo gobalka Bay, waxan mar dhaw furi doona cusbitaal weyn oo aan ka hirgelinay degmada Cabdicasiis ee gobalka Benadir, waxaana ka faa’ideysan doona dad kor u dhaafaya 300 oo ruux oo ka heli doona adeeg caafimaad oo bilaasha ah”
Wasiirka Gashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso dowladda si gaar ah kaalmada dhanka militariga iyo dhismaha xaruntan ciidanka
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xerada looga magac daray Alle ha u naxariistee, Gen. Ibraahim Maxamed Farax (Gordon) waxaana uu gacan ka gaysan doonta dhismaha awooda ciidanka qalabka sida ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan oo munasabada ka hadlay ayaa mahad gaar ah u diray madaxweynaha, ra’isul wasaaraha iyo shacbiga dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay abaal weyn u hayso dowladdisa.
“Dowladda Imaaraadka Carabta waa dowladda uga horeysay ee ka soo jawabta dalabkeena (baahideena) siyaabo badan bay noo saacidaan, ma ahan oo qura dhismaha dhinaca militariga balse labadaba dhinaca beni’aadinimada iyo mashariicyo adeegyo bulsho ah oo muhiim ah oo ay arki karaan kana fa’ideysan karaan mawaadiniinteena ayay ka wadaan dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Dhinaca kale Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa bar bar-socotey qalin jabinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey, waxaana dhalinyaada tababarka u dhamaaday ay ku soo bandhigeen gaada ka ciyaar iyo xirfadaha ay barteen.