Madaxweynaha oo weli ku sugan Jowhar iyo Shirkii Maamul-u-samaynta oo galay maalintii 2-aad.

13.01.2016 09:02

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalladda Jowhar oo uu shalay ka furay Shirweynaha Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha waxa uu shalay galab ilaa xalay Kulamo La-tashiyo ah la yeeshay Odayaal Dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka kala socotay Ergooyinka ka qeybgalayo Shirka, kuwaasi oo ay is-dhaafsadeen Arrimo la xiriira Ambaqaadka Shirka.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqay Ergooyinka Shirka inay si deggan u soo xushaan Hoggaamiyaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

“Hoggaamiyaha aad xulanaysaan waa inaad ka fekertaan, si aad u doortaan Hoggaamiye Aamin ah, lagu kalsoon yahay, kana shaqeynayo Danaha Guud” ayuu yiri Madaxweynaha oo hoosta ka xariiqay in ay Dowladda Federalka taageero ka geysanayso Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sii joogay Jowhar, inkastoo aan la ogeyn inuu maanta sii joogi doono iyo inuu u ambabixi doono magaalladda Kismaayo, si uu uga qeyb galo Furitaanka Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka.

JOWHAR 1 JOWHAR 2 JOWHAR 4 JOWHAR 6 JOWHAR 9 JOWHAR 8

 

waraar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET