Madaxweynaha oo sheegay in Gobolka Banaadir aan lagu dari doonin wax maamul goboleed ah.

09.05.2015 19:23

Xasan Sheekh shir jaraa'idMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Banaadir aan lagu dari doonin wax maamul goboleed ah, kadib markii ay soo baxayeen warar sheegayay in Gobolka Banaadir lagu darayo Maamulka Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha oo shalay ka hadlayay barnaamijka kulanka jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu yahay mid gaar ah oo aan lagu dareyn Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka ku nool Gobolka Banaadir laga rabo inay dowladda Soomaaliya ula yimaadaan qorshe cad oo ku aadan sida uu maqaamka u yeelanayo Gobolka Banaadir.

“Dabcan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa la isku darayaa, siyaasada dowladda waa labadaas gobol inay noqdaan maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, Gobolka Banaadir labo arrin ayaa la isku heystaa oo shacabka Muqdisho laga doonayaa inay mowqif cad ka qaataan, hadii markii hore dowladda ay wareegto wax ku magacaabi jirtay, hadda xilligaas waa soo dhamaaday, maanta talada waa shacabka, iyaga laga sugayaa go’aan, dowladduna waa fududeyneysaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Gobolka Banaadir uu yahay caasimadda dalka sida ku qoran dastuurka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan shir dib u heshiisiin uu ka socdo Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyn, isla markaana Shabellaha Dhexe ay la mid tahay oo dhowaan shir dib u heshiisiin uu ka dhici doono Jowhar, isagoo xusay in shirarka dib u heshiisiinta ay bar bar socdaan maamulada la dhisayo.

Kala aragti duwanaan ayaa ka jirtay in Gobolka Banaadir laga dhigo Maamul goboleed, lana raaciyo Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyadoo arrintan xataa Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kala qeybsanaayeen.

In Gobolka Banaadir maqaam gaar ah yeesho ayaa aheyd aragtida ugu badan ee ay qabeen ragg siyaasiyiin, odayaal iyo mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay, isla markaana shacabka Gobolka Banaadir ay helaan xuquuqdooda aas aasiga.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya shakigii laga qabay in Gobolka Banaadir la raacinayo Maamullada la dhisayo, waxaana dhowaanahan jiray hadal is bar bar yaac ah oo ku saabsab in magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya la raaciyo maamul goboleedyada la dhisayo iyo inaan lagu darin.

warar xaqiiq ah kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET