Madaxweynaha oo maanta furaya kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo Ammaanka oo la adkeeyay
25.10.2015 09:58SNTV LIVE
TOOS U DAAWO FURIYANKA BARLAMANKA.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furaya kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu fasax ku maqnaa muddooyinkan, iyadoo kalfadhigan uu yahay mid Baarlamaanka uu hor-yaallo sharciyo badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka ka jeedin doona khudbad furitaanka, waxaana la filayaa in khudbadiisa uu diiradda ku saaro xaalada dalka iyo marxalada kala guurka ee la geli doono marka la galo sanadka 2016, xilligaasoo la filayo in nooc doorasho dalka ka dhacdo.
Ammaanka ayaa durbaba si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xireen wadooyinka soo gala Xarunta Golaha shacabka, waxaaana wadada ay saaka ka xiran tahay dhanka Isgoyska Dabka iyo agagaarka Tiyaatarka Qaranka.
Gaadiidka dagaalka ee ciidamada leeyihiin ayaa wadada ku go’an, waxaana qeybta kaliya ee wadada ka furan yahay oo ciidamo ay joogaan weydiinayaan gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa ilaalada laga yahay inay Xildhibaano yihiin iyo in kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa xalay ku dhawaaqay in kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka uu furmi doono maanta oo axad ah, isagoo ku wargeliyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan furitaanka kalfadhiga.
Warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka SNTV ayaa si toos ah u soo tabin doona furitaanka kalfadhiga 7aad, waana markii u horeysay ee uu Telefishin toos u soo tabiyo kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana muddooyinka uu Telefishinka SNTV bilaabay barnaamijyo uu toos u soo tabinayo.
Kalfadhigan 7aad ee Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la soo afjaray mooshin bishii Agosto laga keenay Madaxweynaha, kaasoo jahwareer siyaasadeed dalka geliyay, isla markaana Xildhibaanada Baarlamaanka ay labo garab kala noqdeen.
WARAR SUGAN KALA SOCO RUNTANEWS.NET
———
Tillbaka