Madaxweynaha oo isagoo xiran dharka Milateriga oo maanta booqday Sh/Hoose
26.05.2015 19:53Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray qaybo ka mid ah goobaha Ciidanka Xooga Dalka kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in mudada ka harsan sanadkan lagu soo gaba gabeen doono Ururka Al Shabaab.
Ururka Al Shabaab, ayaa Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya kaga sugan dhul ballaaran, waxa uuna dalka ka wadaa dagaal ballaaran, oo uu kaga soo horjeedo jiritaanka Dowladda Federalka iyo joogitaanka Amisom ee dalka.
Madaxweynaha, ayaa kormeeray deegaanada Laanta Buuro, Muuri, Nambar 50, Awdheegle iyo Mubaarak, halkaasoo ay fariismo ku lee yihiin Ciidanka Xooga Dalka.
Madaxweynaha, ayaa min hal darajo dalacsiiyay Ururka Labaad Guutada Shanaad ee Ciidanka Xooga, kuwaa oo Ururka Al Shabaab ka difaacay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak. Weerarkii ugu dambeeyay oo Sabtidii dhacay waxaa lagu dilay ugu yaraan 20 ka mid ah Ciidanka Xooga.
Madaxweynaha oo la hadlaayay Ciidanka Xooga, ayaa yiri “Waxa ugu wanaagsan ee aad dalkiina siiseen waa nafsadiina, dhiigiina iyo sharaftiina waad ku ammaanantihiin. Qaranka Somaliyeedna abaalkiina maalin ayuu gudi doonaa, waxaadna astaan u tihiin Qaranka Somaliyeed oo dib u soo noolaaday.”
“Dowladda Federalka Somaliya waxaa ka go’an in ay dadaal ku bixiso helidda xuquuqda aad xaqa u lee dihiin, dagaalka cadowga aad ku la jirtaanna ALLE ayaa idinla jira, oo waad ka guuleysaneysaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
“Haddii uu ALLE Idmo waxaan heli doontaan tasiilaadka aad u baahan tihiin, si aad u soo gabagabeysaan la dagaalanka argagixisada, oo aanna uga wada shaqayno horumarka dalkeena ka socda.” Ayuu Madaxweynuhu sii raaciyay.
Madaxweynaha waxa uu maanta Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka sheegay, in sanadkan 2015-ka la soo afjari doono Shabaabka hubeysan, ee Somaliya ka dagaalamaaya, sida uu yiri.
Kormeerkan, ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehlinaayay Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Xooga, Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale.
warar sugan kala soco
shabakada
caalamigaa
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka