Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay wax ka bedeli doonaan qaabka ay ku wajahayaan Shabaab
03.06.2015 14:54Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya oo ka soo muuqday Warbaahinta dalkaasi, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin, ay wax kaga bedelayaan hannaankooda ku aadan Ururka Al Shabaab.
“Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aynu wax kaga bedeleeno qaabka aan ku wajahno argagaxisada Al Shabaab, si guul kaga gaarno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
Madaxweynaha, ayaa yiri “Marka hore waxaan boqolkiiba sagaashan (90%) ku dadaali doonnaa sidii dhalinyarada reer Kenya, aynaan ugu biiri lahayn Al Shabaab, waayo Al Shabaab weerarada ay dalkeena ka geysato, waxaa gacan ka siiya dhalinyaro.”
Uhuru Kenyatta wuxuu yiri “Waxaan kaloo wax ka bedeli doonnaa qaabka baarista iyo Maxkamadaynta xubnaha Al Shabaab ka tirsan, iyadoo la ballaarin doono baaritaanadooda.”
Uhuru Kenyatta, ayaa dadka reer Kenya weydiistay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, waxaad ogtihiin buu yiri in kaalintiina ay muhiim u tahay qarankan.
“Shacabka waxaan ka codsanayaa inay ka qayb qaataan suggida ammaanka, waxaad ogtihiin in kaalintiina ay muhiim u tahay qarankan. La shaqeeya hay’adaha ammaanka, una soo gudbiya macluumaadka.” Ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.
warar xaqiiq ah kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka