Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay in xayiraadaha laga qaado Xawaaladaha Somalida Kenya
18.06.2015 20:54Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u fasaxday Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya, iyada oo Bandowga ka qaaday gobolka Waqooyi Barri oo xayiraad lagu soo rogay tan iyo Weerarkii Gaarisa.
Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan awgeega, ayaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu amar ku bixiyay in la qaado xayiraadii saarneyd Xawaaladaha Soomaalida ee iyagu lacagaha u soo diri jiray Soomaaliya kuwaasi oo horey shaqadoodi looga joojiyay markii lagu eedeyay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.
Kenya ma aysan sheegin mudada la tixgalin doono go’aanka xayiraada looga qaaday Xawaaladaha, hase ahaatee Kenyatta oo amarkaan soo saaray bishaan ramadan ayaa waxa uu u jeediyay Bankiga dhexe ee dalkaasi
Kenyatta ayaa u sheegay laamaha amaanka Kenya in ay amaanka xoojiyaan baqdin laga qabo weeraro Al-shabab ay wadankasi ka geestaan. Wakaaladaha gargaarka ayaa iyaga si kulul waxa ay u dhaleeceeyen Kenya waxana xayiraadii Xawalaadaha ku tilmaamen mid dhibaato ku ah nolasha Soomaali badan.
Kenya ayaa bishii April waxa ay xayiraad saartay xawaaladahaasi oo ay ku sheegtay olaleeheda ka dhanka ah taagerayaasha Al-shabaab wixii ka dambeeyay weerarkii ay ku qaadeen jamaacada Garisa ee gobolka waqooyi Bari Kenya oo ay ku dileen 148-qof oo arday ay u badnaayen.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka