MADAXWEYNAHA KENYA MA LA QASBI DOONO QAXOONTIGA SOMALIDA.

07.05.2015 21:40

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aan si qasab ah dib loogu celin doonin qaxootiga Soomaalid ah ee ku nool dalka Kenya.

Kenyatta ayaa muujiyay in dowladiisu ay ka soo dabacday mowqifkeedii ahaa in muddo saddex bil gudahood ah ay dib ugu laabtaan qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab haddii ay ku laaban waayaana si qasab ah dib loogu celinayo.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa warkan sheegay kadib markii uu la kulmay madax ka socotay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR. Sidoo kale Kenyatta ayaa dhowaan la kulmay John Kerry xoghayaha arrimaha dibada dowlada Maraykanka.

Hanjabaada ah in dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida ah dalkooda ayaa timid kadib markii horaantii bishii April ay dabley hubeysan xoog ku galeen jaamacada Garissa.

Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah ayaa sheegay in haddii si qasab ah dib loogu celiyo qaxootiga dal ay hore uga soo qaxeen ay tahay xadgudub heshiisyada caalamiga ah.

“Kenya waxa ay hore u ahayd haddana tahay dal fulinaya waajibaadka caalamiga ah ee saaran,”ayuu  Mr. Kenyatta oo qoraal ka soo saaray xafiiskiisa shalay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxa hay’ada qaxootiga UNCHR Antonio Guterres ayaa kulan fool ka fool ah ku qaatay ku yeeshay magaalada Nairobi.

Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa ka codsaday dowlada Kenya inaysan xirin xeryaha qaxootiga inta arrimaha Soomaaliya laga xalinayo.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET