Madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku sugan garoonka diyaaradaha
05.05.2015 10:39Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamul goboleedyada ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo la filayo in goor dhow ay kula kulmaan Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadada aada garoonka diyaaradaha, wadada hor marta Madaxtooyada iyo Maka Al-Mukarama ayaa ah kuwo gebi ahaanba xiran, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka.
Socdaalka John Kerry ku imaanayo maanta magaalada Muqdisho ayaa ah mid gaaban, iyadoo saacadaha uu joogi doono la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland, Jubba, Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga arrinsanayo hiigsiga sanadka 2016 oo beesha Caalamka ay dooneyso in Soomaaliya ka dhacdo doorasho, hirgelinta barnaamijka federaalka, dhismaha dowlad goboleedyada, amniga iyo arrimo kale.
Dhinaca kale waxaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo saaka ka soo kicitimay magaalada Nairobi, iyadoo uu baajiyay safar uu ku tagi lahaa Talyaaniga, waxaana warar qaar sheegayaan inuu doonayay inuu Nairobi kula kulmo, balse lagu wargeliyay inuu Muqdisho tago.
Goor dhow ayaa la filayaa inuu John Kerry ka soo dego garoonka diyaaradaha, iyadoo la hakiyay dhaq dhaqaaqa garoonka, waxaana saacado dib loo dhigay howlihii duulimaadyada, waxaana garoonka sugaya amnigiisa ciidamada amisom iyo ciidamo kale.
———
Tillbaka