Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inuu taleefan kula hadlay Madaxweynaha Puntland
28.11.2015 21:19Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inay nasiib darro tahay dagaalada halkaas ku soo laabtay, waxaana uu xusay in ka maamul ahaan ay ka xun yihiin.
“Aad ayaa uga xunahay dagaalkaas soo laabtay, ka maamul ahaan waxaa ku dadaaleynaa in dagaalka la joojiyo, lagana wada hado waxyaabaha sababay dagaalka”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu taleefan kula hadlay dhigiisa Puntland C/wali Gaas, ayna ka wada hadleen sidii dagaalka loo joojin lahaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Guddi ka qeyb qaata xalinta colaada Gaalkacyo uu magacaabay, waxaana uu tilmaamay inay muhiim tahay in dhinaca Puntland ay magacaabaan Guddi, si howsha wada jir loo wajaho.
Waxaa uu soo dhoweeyay dadaalada dowladda Federaalka ugu jirto xalinta colaada Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha ay shalay ka wada hadleen sidii xaalada loo dejin lahaa, loona soo afjari lahaa colaada.
“Waxaa muhiim ah in colaada taagan si wada jir ah loo wajaho xalinteeda, waxaa soo dhoweynayaa dadaalada dowladdu wado ee nabadeynta ah”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku eedeeyay dhinaca Puntland inay dagaalka soo qaadeen, isla markaana ku tala galka uu ahaa in saaka magaalada Gaalkacyo ay tagaan Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayay iyo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee xiisada dagaal ee ka dhex taagan labada Maamul ayaa sii xoogeysaneysa, waxaana dagaaladii maanta dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo ku dhintay illaa sideed ruux, halka tiro tobanaan ruux oo rayid ku jiraan ay ku dhaawacmeen.
warar sugan kala soco runtanews.net
———
Tillbaka