Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay ciidan iyo gaadiid dagaal (Sawirro)
05.11.2015 09:55Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wareejiyay gaadiid dagaal ka kooban 11-gaari iyo maleeshiyaad taabacsan qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Galmudug oo muddooyinkan ku sugnaa magaalada Galkacyo ayaa kulamo kula lahaa odayaasha iyo waxgaradka beelaha dega Mudug, isagoo ugu dambeyn ku qanciyay inay hubkooda ku soo wareejiyaan Maamulka Galmudu
Gaadiidka dagaalka dagaal ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxay isugu jireen kuwa waa weyn oo ay ku rakibnaayeen qoryaha lidka diyaaradaha.
Munaasabadii wareejinta hubka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay odayaashii dhaqanka iyo waxgaradka, waxaana ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in wada hadalo kadib ay hubka ku wareejiyaan Maamul dowli, iyagoo xusay inay muhiim tahay in maleeshiyaadka la qarameeyo.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Taar-dhuleed ayaa soo dhoweeyay hubka iyo gaadiidka lagu wareejiyay maamulka, waxaana uu tilmaamay in ciidamadan tababar loo furi doono, isla markaana qeyb ka noqonayaan Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelihii gartay dowladnimada inay hubkii iyo ciidankii ku wareejiyaan dowlad goboleedka Galmudug, waxaana uu ka dhawaajiyay in hubka ay ku soo wareejiyeen maamulka uu noqon doono mid lagu difaaco Galmdug ciidamadana laga dhigi doono kuwa dowladeed oo xaquuqdooda leh.
Ugu dambeyna Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay beelaha kale in ay ku daydaan kuwa haatan iyagu hubkooda iyo ciidankooda ku soo wareejiyay Gacanta Maamulka.
———
Tillbaka