MADAXWEYNAHA GALMUDUG ABDIKARIIN GUULED WAXAAN DHISEYNAA GUDIGA ISKU DHAFKA CIIDAMADA IYO ABNIGA.

12.07.2015 14:57

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe la isugu dhafayo Ciidamada ku sugan Gobollada Dhexe, si amniga deegaanada loo xoojiyo.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhowaan uu magacaabi doono Guddi Amni oo ka kooban dhamaan saraakiisha kala duwan ee maamuladii Gobollada Dhexe ka jiray iyo saraakiisha Ciidamada xooga dalka, si ay uga shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida

“Waxaa wadnaa qorshe ku saabsan sidii la isugu dhafi lahaa, loona mideyn lahaa ciidamada kala duwan ee deegaanada ku sugan, waxaa dhowaan la sameynayaa Guddi amni oo arrintaas ka shaqeynaya, amniga iyo xasiloonida deegaanadan loo xoojin lahaa”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aragtida maamulkiisa ay tahay sidii nabad, xasilooni iyo deris wanaag uu kula noolaan lahaa maamulada deriska la ah sida uu yiri.

“Anaga maamul ahaan waxaa naga go’an inaan nabad, xasilooni iyo deris wanaag aan kula noolaan maamulada deriska ah, ma filayo anaga iyo Puntland in wax dhibaato ah inay naga dhex dhici doonaa, wixii khilaaf iyo kala aragti duwanaan jira wada hadal ayaa lagu xalinayaa”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Caasimada Maamulkiisa ay tahay magaalada Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlusuna oo ka soo horjeeda Maamulka lagu dhisay Cadaado.

23-ka bishan ayaa la filayaa in lagu caleema saaro degmada Cadaado Madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Guuleed iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa, iyadoo munaasabada caleema saarka ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

warar xaqiiq ah kala soco runtanews.net

nagala soo xariir ganeyte5@gmai.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode