Madaxweynaha: “Baarlamanka Jubba kadib, hawsha xigta ha noqoto sii wadista dib u heshiisiinta iyo qancinta beelaha wax tabanaya”

07.05.2015 21:52

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah-furey baarlamanka cusub ee Maamulka Ku Meel Gaarka ee Jubba.

Khudbad qiimo leh oo uu ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka hadley muhimadda dib u heshiisiinta iyo in horey loo sii wado geeddi socodka nabadda.

“Waan u hambalyeynaya baarlamanka cusub ee maamulka Jubba, runtiina waa tallaabo lagu faani karo iyo horumar ay sameeyeen dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka. Waxaanse xusuusinayaa mudaneyaasha cusub ee la soo xuley iyo hoggaankoodaba inay xoogga saaraan dib u heshiisiinta, isla markaana ay sameeyaan dadaal ay ku qancinayaan beelaha iyo qeybaha kale ee weli wax ka tabanaya qaabka baarlamanka loo soo xuley’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martey waayo xanuun badan, si mustaqbal wanaagsan loo helana loo baahan yahay in dadku is cafiyaan, muujiyaanna dulqaad, taas oo abuuri karta kalsooni iyo is-aaminaad cusub oo dhex marta shacabka.

Munaasabadda daah-furka baarlamanka cusub ee Jubba ayaa waxaa kale oo ka hadley Madaxweynaha Maamulka Ku Meel Gaarka ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam, wasiirrada arrimaha dibedda ee Ethiopia iyo Kenya, iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ka socdey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo maamulka Puntland.

unnamed__14_unnamed__25_unnamed__29_unnamed__34_unnamed__37_unnamed__39_unnamed__40_unnamed__41_unnamed__45_

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET