Madaxda dowladda iyo Madaxda Gobollada oo kulan wada tashi ah ku yeeshay Kismaayo
13.09.2015 21:12Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ku dhawaaqay in 20-ka bishan ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga ee hanaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya sannadka 2016.
Shir wada rashi ah oo maanta magaalada Kismaayo
ay ku yeesheen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, C/wali Gaas, Jubbaland Axmed Madoobe, Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Galmudug C/kariin Guuleed ayaa looga hadlay aayaha siyaasadeed ee sanadka 2016.
Shirkan ayaa la isku afgartay in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.
Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankan looga hadlayay aayaha dalka Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo siyaasada, isagoo tilmaamay in la isku afgartay in kulamada wada tashig ee doorashda ay bilowdaan 20-ka bishan.
“Shirkan waxaa looga hadlay aayaha siyaasada iyo qaabka loo wajahayo sanadka 2016, kulankan wuxuu ahaa mid fursad ah, waxaana la isku afgartay kulamada wada tashiyada ee doorashada sanadka 2016 uu bilowdo 20-ka bishan”ayuu yiri Daa’uud Aweys.
Si kastaba ha ahaatee shirkan wada tashiga ayaa waxaa ka horeeyay shirar gaar gaar u dhex maray Madaxda dowladda iyo kuwa gobolada, maadaama ay horay u jireen mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeyay madaxdaas.
warar sugan kala soco shabakada caalamiga runtanews.net
———
Tillbaka