Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna oo maanta heshiis ku kala saxiixanaya Cadaado

27.08.2015 09:38

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada xaflad ay kala saxiixanayaan Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo la filayo in munaasabadaas xafladaas uu goob joog ka noqdoWasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.

Sida ay sheegayaan wararka wada hadalo maalmahan u socday labada dhinac ayaa maanta la filayaa in qalinka lagu duugo heshiis, waxaana Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu Cadaado kulan kula lahaa xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ahlusuna.

Wararka ayaa intaa ku daraya in marka la saxiixo heshiiska uu Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed uu galabta magacaabi doono qeyb ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, iyadoo uu dib ka soo dhameystiri doono xubnaha kale ee Wasiirada.

Ahlusuna ayaa gacanta ku heysa degmooyinka Dhuusa Mareeb, Guriceel, Caabudwaaq iyo deegaano kale, waxaana ay horay u mucaaraday maamulka lagu dhisay Cadaado ee Madaxweyne loogu doortay C/kariin Xuseen Guuleed.

Lama oga in xubnaha Ahlusuna ay u wada dhan yihiin heshiiskan iyo in kale, iyadoo dad badan ay u dhega taagayaan heshiiskaas iyo waxa uu ka bedelo doono xaalada siyaasadeed ee Gobolada Dhexe oo muddooyinkii u dambeeyay aheyd mid qasan.

warar sugan kala soco shabakada calamiga runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET