maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamada Itoobiya oo masaafurinaya siyaasiyiintii gedo,
14.08.2015 10:26Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee uu xilka laga qaaday Maxamed Cabdi Kaliil iyo siyaasiyiinta kale ee horay uga soo horjeeday maamulka Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in loo soo musaafuriyo magaalada Muqdisho.
Heshiis siyaasiyiintan iyo Maamulka Jubbaland ku gaareen todobaadkii hore degmada Doolow ayaa fashilmay, kadib markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Maxamed Cabdi Kaliil.
Col. C/rashiid Macalin Gaas oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Guddoomiyihii Gedo iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamuud Sayid Aadan, Maxamed Aw-Libaax iyo Cabdi Barre Garuun iyo Guddoomiyihii degmada Garbahaarey maanta laga soo musaafurinayo degmada Garbahaarey.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiintan maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ay u arkeen inay caqabad ku yihiin hanaanka Maamulka Jubbaland sida uu yiri.
Musaafurintan siyaasiyiintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo lagu wado in maalinta berri magaalada Kismaayo ka dhaco doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo ay u taagan yihiin afar musharax oo uu ugu cad cad yahay Axmed Madoobe.
warar sugan kala soco shabakada calamiga reuntanews.net
———
Tillbaka